Gabiley (AN) IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin cumar Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya afkiisa iyo Afka Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray Dhamaan qoyska, Ehelada,Qarabada Iyo Shacabka Reer Somaliland Kana Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Allaha Ha U Naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise
Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
dhanbaalkaa tacsida ee maayarka Ayaa waxuu u dhignaa sidan:
” inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun anigoo ku hadlaya afkayga iyo afka golaha deegaanka Gabiley waxaan dhamaan
ka tacsiyadaynayaa qoyska Ehelada,Qarabada Iyo Shacabka Reer Somaliland Kana Tacsiyadaynayaa Geerida Ku Timid Allaha Ha U Naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise Oo Maanta Ku geeriyoday Magaalada Hargaysa
Samir Iyo iimaan Ayaan Leyahay Dhamaantenba Geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise
Waxanan ilaahay uga baryayaa marxuumka inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan qoyskii iyo qaraabadiisiina samir iyo iimaan ka siiyo,,aamiin ,, aamiin”
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN








