Galmudug {AN}–Waxaa shalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu soo bandhigay sadex askari oo la sheegay in ay la safnaayeen Ciidamada Maamulka Puntland kuwaa oo iyaga oo qaarkood dhaawacyo qaba lagu soo qabtay dagaalka.
Taliyaha qeybta booliska Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali(Gadaar) ayaa sheegay in askartan lasoo qabtay iyaga oo dagaal kula jira ciidamada Puntland, waxa uuna tilmaamay in askarta qaarkood laga keenay Kismaayo, Buuhoodle, Laascaanood iyo magalaooyin kale.
Mid kamid ahaa askarta lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu ka mid ahaa ciidanka Milatariga Soomaaliya ee lagu tababarayay magaalada Kismaayo, waxa uuna xusay in isaga iyo ciidamo kale oo laga soo qaaday Kismaayo la keenay magaalada Gaalkacyo.
Askarigan ayaa sheegay in loo sheegay Gaalkacyo markii la keenayay in ay la dagaalmayaan Al-Shabaab balse mid taasi ka duwan uu la kulmay , waxa uuna tilmaamay in hada lasoo qabtay isaga oo Puntland la safan lana dagaalamaya ciidamada Maamulka Galmudug.
Maamulka Puntland ayaa horey ugu eedeesay dowlada Federaalka Soomaaliya ciidankeeda in ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ayna dagaalka ku garab siinayaan maamulka Galmudug.











