Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Degmo Muhiim ah iyo Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Degmadaasi

0

Arabsiyo News–Wararka ka imaanaya Degmada Teyegloow ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa ay isaga baxeen Degmadaasi, waxaana gacan ku heynta Degmada dib ula wareegay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen fariisimhii ay kaga sugnaayeen Degmada Tayegloow, waxaana la arkayay gaadiidka dagaalka ay wataan Ciidamada Itoobiya oo degmadaasi isaga baxaya.

Wasiirka hub ka dhigista maleeshiyaadka ee Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa xaqiijiayy in Ciidamada Itoobiya isaga baxeen degmada Teyegloow , waxa uuna ka bixitaanka ciidankaasi ku tilmaamay mid lagu xumaado oo niyad jab ku ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa gobolo dalka katirsan ayaa bilaabay n ay isaga baxaan Degmooyin iyo deegaano ay horey uga saareen Al-Shabaab, waxaana goobaha ay ka baxeen ciidamada Itoobiya dib ula wareegay Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com