XISBIGA KULMIYE OO KA HADLEY LOOLAN LA SHEEGAY IN LOOGU JIRO KURSIGA GUDOOMIYAHA EE XISBIGAASI + MUUQAAL.

0

Arabsiyo News–Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Axmed Cabdi  Dheere ayaa waxaa uu ka hadley loolan la sheegay in uu  xisbigaasi ka dhex curtey isla markaana loogu jiro hanashada kursiga gudoomiye nimo ee xisbigaasi

Kulmiye

Muddane Axmed Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in aanay wararkaasi waxba ka jirin  isla markaana aanu meesha yaalin wax loolan ah oo ka dhaxeeya wasiirka madaxtooyda Maxamuud Xaashi iyo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin  oo la sheegay in ay ku hirdamayaan hanashada kursiga gudoomiye nimo ee xisbigaasi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaas