War Degdeg: Axmed Muumin Seed oo Ergo uu hogaaminayo Xirsi ku gacan saydhay iyo Shir doceedyo Haldoorka Beeshiisa uga socda Hargaysa iyo Boorama

0

Hargaysa(AN) Gudoomiye kuxigeenkii Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ayaa ku gacan saydhay Ergo uu hogaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan ,Ergadaas oo Gudoomiye Ciro udiray Mudane Seed sidii ay ugu qancin lahaayeen Aqbalada dhacdadii shalay iyo kasii mid ahaanshiyaha Xisbiga Wadani,

Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in aanu wax wada hadal ah aanu lagalay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani taas oo wajigabax iyo faramadhnaan ku7 noqotay Ergadii uu hogaaminayey Xirsi halkaas kasoo noqday iyagoo ku hungoobay qorshii ku qancinta Muumin Seed Xisbiga

 

Dhinaca kale Magaalooyinka Hargaysa Iyo Boorama waxa shirar doceedyo googoos ah uga socda Haldoorka Beesha uu ka soo jeedo Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo tageerayaashiisa ,shirarkan ayaa salka ku haya sidii looga arinsan lahaa  Mustaqbalka Axmed Muumin Seed iyo Qorshaha Xiga

 

Arabsiyo.com

Hargaysa Office