Hargeisa {AN}–Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa si rsami ah u shaaciyey Shanta xubnood ee dhinacooda umatali doona gudida qaban Qaabada shirwaynaha ee Maxkamadu go,aamisay in labada dhinac ee isku haya xisbigaasi ay soo kala xulaan min shan xubnood.
Shanta xubnood ayaa waxa soo magacaabay gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxaana ku dhawaaqay magacyada GUdidaasi Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid C/naasir Qodax,waxaanay kala yihiin.
1-Maxamuud Cali Jiir
2-Maxamed Xasan Khaire Baashe(Shabaash)
3-C/raxmaan Axmed Cali
4-C/qani Salaf
5-Cumar Daahir CIlmi








