Garowe (AN) Gen Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo u tartamayay xubinnimadda Aqalka sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ku guuldaraystay inuu helo kursigaas, waxaana ka guulaystay Bootaan Barre Samatar oo ah nin Ganacsade ah oo aan hore saaxada siyaasadda looga aqoon.
Guddiga doorashooyinka dadban ee federaalka oo ku dhawaaqay natiijadda codbixinta ayaa sheegay in Bootaan Samatar uu codadkii la tiriyay uu ka helay 38 Cod, halka uu Gen Morgan helay 27 cod kaliya,
Gen Morgan waxaa hore liiska ugula jiray Guddoomiye K/xigeenkii Labaad ee barlamaanka Dowladda federaalka Mahad Cawad oo isagu isaga baxay, Waxaa kaloo isaguna tartanka Ka baxay Maxamuud Gumbe oo sidoo kale ay kuwada jireen Tartanka.
Gen Maxamed Siciid Xirsi Morgan wuxuu ahaan General ka tirsan Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyee, isagoo marna noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Dowladdii Millateriga Soomaaliya, Waxaa kaloo uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya Sanadihii 1991-dii ilaa 2004tii.
Geesta kale, Siyaasi Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ka mid ahaa Asaasayaashii dowladda puntland, islamarkaana jagooyin kala duwan ka soo qabtay Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya, Waxaana ka guulaystay Farxaan Cali Xuseen oo helay 36 Cod, Halka uu isagu helay 29 cod oo kaliya.
Musharixiinta kale ee ku guulaystay Aqalka Sare waxaa ka mid ah Prof C/risaaq Xasan Juurile oo si dirqi ah uga badiyay Hodan Ismaaciil oo la tartamasay, wuxuuna helay 33 Cod, halka ay heshay 32 cod.
Codaynta Doorashadda Aqalka Sar ee xubnaha u matalaya Puntland ayaa weli ka socoto Hoolka Barlamaanka Puntland, Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la soo gabagabeeyo.








