ArabsiyoNews–Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo 47 cod kaga guulaystay gabadhii la tartamaysay ee Aamino Aadan.Siciid Qorsheel oo ka mid xubnaha Guddiga doorashadda Dadban ee heer federaal ayaa ku dhawaaqay natiijadda codayntii labada musharax, iyadoo Cumar cabdirashiid uu helay 47 Cod taasi ah saddex Meelood labo meelood codadkii la tiriyay, Halka musharaxad Aamino Aadan oo La Tartamaysay ay heshay 17 Cod, Waxaana xumaaday hal Cod.Cumar Cabdirashiid, wuxuu noqonayaa musharixii kowaad ee ku guulaystay Xubinimadda aqalka sare ee barlamaanka federaalka, isagoo matalaya degaamadda Puntland.
Arabsiyo.com
Arabsiyonews@gmail.com








