“Beesha Caalamka Ka Mid Ayaynu Nahay, Ictiraaf iyo Horumar Ayaynu Doonaynaa Markaa in Caalamka Dagaal Lala Galo Maaha” Maxamed Biixi Yoonis

0

Hargeisa {Arabsiyo News }–Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay faraqa u dhexeeya Murashaxa Madaxwayne ee KULMIYE Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo ah murashaxa xisbiga WADDANI, sidoo kalena wuxuu ka hadlay waxyaabaha uu ku kala doortay.maxamed-biixi-yoonisMaxamed Biixi Yoonis oo ka hadlaya faraqa siyaasiga ah ee u dhexeeya labadan masuul ayaa waxa uu yidhi:“Waxyaabaha aan Cabdiraxmaan Cirro ku doortay waxaa ka mid ah inaan ku idhi KULMIYE oo aan ku jiray waa la afduubay oo jujuub ayaa wax llagu doortay, Cabdiraxmaanoow haddii aad leedahay tani (WADDANI) aniga ama reerkayga ayay u xidhan tahay iman mayno, Cabdiraxmaan badka ayuu soo dhigay, hadaad tartan doonaysaan Ahlan wasahlan ayuu yidhi, waliba haddii aad rabto waan kaaga degayaa ayuu yidhi, runtii qadarintaas iyo ugu yaraan inay dimuqraadiyadi jirto ayaan ugu soo biiray, aniguna runtii waxaan aaminsanahay inuu waddanku qabyaaladda ka gudbo iyo beelaha mana aaminsani haddii uu walaalkay oo run ah oo ila dhashay aanan ku qanacsanayn inuu kii wadayay yahay waan ka leexanayaa” isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Runtii nin wasiir ku qanacsan anigu maan ahayn khibrad balaadhan ayaan leeyahay waxaan meesha u imi inaan waddanka hogaamiyo inaan wadanka aqoontayda iyo xidhiidhada caalamiga ah aan uga faa’iideyo sidaas ayaan anigu wasiirnimada u aqbalay laakiin himiladaydu marna may ahayn inaan wasiirnimo ku qanco”.

Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay dhaleecayntii uu Muuse Biixi u jeediyey xubnaha isbahaysiga ee ku biiray WADDANI oo uu ku sheegay inay shaqo tageen, waxaana uu yidhi:“waa markii iigu horaysay ee aan arko qof, qof shaqo tagay dhaliilaya shaqaduna runtii waa wax sharaf leh oo karaamo leh, markaa waxaan qof way shaqaysn jireen dadka ku caayaya wax aan ugu jawaabo ma garanayo shaqadiina ka dhigay wax loo baahnayn, haseyeeshee xisbiga KULMIYE aasaasyaashiisii ayaa isbahaysiga ku jira oo uu guddoomiyaha laftiisa uga soo horeeyey oo raggii dhigay sharciga lagu dhaqmayo oo Xuseen Axmed Cayiidi ka mid yahay, guddoomiyayaashii xisbiga ayaa ku jira, raggii hogaanka u ahaa ayaa ku jira, markaa way ogyihiin dadkan meesha ka baxay inay xul yihiin, inay yihiin labeentii Umadda Somaliland, halka aanu ku biirnay inaanu dhawaaqii ugu waynaa ka muujinay, in maanta umaddii ku yar iyo ku wayn WADDANI la isku soo shubayo, inaan loo kala hadhayn, waxaanu cadayn doonaa uun waxa uu WADDANI yahay iyo waxaanu anagu nahay maalinta doorashadu timaado ee garoonka la isla yimaado”Ugu dambayn Maxamed Biixi Yoonis ayaa dhaliilay hanaankii xukuumaddu ula dhaqantay beesha caalamka iyo mudaaharaadkii lagaga soo horjeeday ee ay xukuumaddu soo abaabushay waxaana uu xusay inay Somaliland beesha caalamka ku tiirsantahay oo aanay ka maarmin,islamarkaana loo baahan yahay wixii cabasho ah in loo maro hab diblomaasiyadda waafaqsan waxaana uu yidhi:“Beesha caalamka kamid baynu nahay, waxaynu hiigsanaynaa ictiraaf iyo horumar, waxaynu ka doonaynaa dhaqaale, waxaynu ka doonaynaa in la ina ogaado, markaa beesha caalamka inaynu dagaal ku qaadna wax inoo wanaagsan maaha tusaale ahaan mudahaaraadadii halkan laga sameeyey way ina wiiqeen looma baahnayn saaxiibo ayaynu u baahnayn, waxaynu u baahanay dad ina kaalmeeya, haddii aynu cabashi ka qabno inaynu si qurux badan ugu sheegno inagoo aan mudahaarad iyo cay sheegin iyadoon aflagaado jirin aynu la fadhiisano”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday