DAAWO:SOO DHAWEYNTA AAN LOO KALA HADHIN EE MADAXWEYNE SIILAANYO IYO WAFTIGIISA LAGU QAABILEY
Hargaysa(AN)-Madaxweynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo waftiga uu hogaaminayay ee ay ka midka ahayd Marwada Koowad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Maxamuud Jirde iyo wasiirka wasaarada Madaxtooyada somaliland ayaa dib ugu soo guryo noqday caasimada somaliland kadib muddo labba usbuuc ah oo ay ku maqnaayeen wadanka ingiriiska halkaasi oo hawlo shaqo uu madaxweynaha iyo waftigiisu ugu anbo baxeen, kumanaan dadweyne ah ayaa madaxweynaha kaga hortagay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha cigaal international Airport iyo guddaha madaarkana ay ku sugnayeen dhamaanba masuuliyiinta qaranka jamhuuriyada somaliland








