Galmudug oo ka jawaabtay dalabkii QM ee ahaa in Cabdi Qeybdiid laga saaro liiska xubnaha aqalka sare

0

Galmudug {AN}–Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal ka soo baxday xafiiska Q/Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo ahaa in liiska xubnaha Aqalka sare laga saaro Jen. Cabdi Qeybdiid.

Cali Gacal casir ayaa sheegay in Qaramada Midoobey aysan xaq u laheyn inay dalbadaan liis ka saarista muwaadin ay doorteen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dalabka noocan ah uu wax u dhimayo hanaanka dib u heshiisiinta Somalia.

“Muwaadin Soomaaliyeed oo ay doorteen Baarlamaanka, waliba cod badan helay ha laga saaro inay dhahaan waa nasiib daro, markii horena nalama dhihin qof hebel halaga reebo” ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka Galmudug oo iyagu doortay cidii ay rabeen, wuxuuna xusay in Cabdi Qeybdiid uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo aysan jirin cid ka celin karta inuu ka qeyb qaato doorashooyinka dalka.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ka mid ah sideed xubnood oo ay doorteen baarlamanka Galmudug kuwaasoo ka mid noqonaya xildhibaanada aqalka sare ee baarlamanka Somalia.

QM ayaa ku andacootay in Cabdi qeybdiid uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dagaalka Somalia ee ka qeyb qaatay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.

 

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com