War Deg Deg ah Diyaarad ku dhacday Kismaanyo iyo Faahfaahin ka soo baxaysa + Sababta
Gaalkacyo {Arabsiyo News}–Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in ay gacanta ku dhigtay diyaarad nooca loo yaqaan Droneska taasi oo shalay galab ku soo Dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Waxaanay xarakadu klu guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigaan diyaarada aan cidi wadin oo ay sheegeen in ay ahayd nooca wax basaasta waxanay haatan ku hayaan deegaanka loo yaqaan Qudus oo 50KM u jira Magaalada Kismaayo.
Goob joogayaal ayaa sheegay inay arkayeen xoogaga Al-Shabaab oo sii qaadanaya dayaaradaasi oo ay ku xiran yihiin kaamirooyinka wax duuba ee loo adeegsado howlaha basaasnimada.
Maaha markii ugu horeysay ee diyaarada nooca Droneka ah uu ay kusoo dhacdo gudaha dalka Somaliya balse hhore ayaa waxa dhowr jeer usoo riday Alshabaab.
Dayuuradaha Drones-ka Mareykanka, ayaa si joogto ah hawlo basaasnimo uga fuliya hawada Somalia kuwaasaoo kaca saldhigyo qarsoodi ah oo ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolada dalka qaarkood.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








