Qoryoole {Arabsiy News)-Hooyada Labo Gabdhood oo walaalo ah ayaa ku dhintay labo kalena waay ku dhaawacmeen hoobiyaal Al-shabaab ay ku garaaceen degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.
Ururka Midowga Africa oo Ciidamadooda ay ka howlgalaan meel ku dhow Qoryooley oo cambaareeyay weerarkaan.
Xaawo Aadan Cusmaan oo ah Hooyada dhashay Gabdhaha Hoobiyaasha ku dhintay ayaa sheegtay in mid ka mid ah Labada Gabar ee ku dhintay weerarka ay lahayd uur far bilood ah.
Sidoo kale,Hooyo Xaawo ayaa sheegtay in canug yar oo dhashay Gabadheeda Hooyaha ku geeriyootay loola cararay Cisbitaal oo Xaaladiisa ay liidato.
Ururka Al-shabaab ayaa mararka qaarkood Hoobiyaasha ay u wadaan Ciidanka ay dagaalka kula jiraan u weecda dad shacab aan waxba galabsan.








