Hargaysa(AN)Waxaa mar qudha is bedelay jihadii uu ku socday xisbiga WADDANI ka dib markii ay isku soo shubeen kooxo kala ujeeddo ah.
Kooxahan ayaa kala ah koox diimeed hore cadaadis loogu saarey dawlada Siiraanyo in ay xilka ka xayuubiso iyaga oo intooda badani ka mid ahaa golaha wasiirada, kooxdan oo u badan urur diimeedka loo yaqaan Alictisaam. Iyo Koox Aaminsan Federaal.

Kooxdan ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Maxmed Cali Geedi inkasta oo aanu isagu ka mid ahayn kooxdii Siiraanyo haddana hoosta kaga xidhnaa oo ay wada shaqayni ka dhaxaysay guddoomiya kooxdan oo ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Mudane Duur. Oo ku ku suntan hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ictisaamta Somaliland.
Waxaa kale oo iyaguna ka mid ahaa kooxdan oo hoosta kaga xidhnaa Dr Gaboose.iyo kooxda la magac baxday isbedel doonka Kulmiye ee kulmiye. Kooxdan isbedeldoonka kulmiye ayaa waxaa ka dhex muuqda oo in badan beesha caalaamka iyo dadkuba is way diiyeen Maxamed Biixi Yoonis waxa ku milay iyo goorta uu xubinta ka noqday. Laakiin waxaa la ogaaday in uu ahaa aaladii la doonayey in lagu fuliyo mabaadiida Alicisaam.
Muddo hadda laga joogo dhowr sano ayaa ururka Alictisaam shir ay yeesheen ku go’aamiyeen sidii laamaha dawlada iyo xisbiyada qaranka uga dhex muuqan lahaayeen, taas oo u sahlaysa in ay hogaanka dalka si dhib yar u soo galaan.
Waxaad la wada socoteen wakhtiga la magac baxay xiligii Shaanida halka ay kala joogeen Muuse iyo maamulka Siiraanyo in xataa la gaadhay in qofkii sawirka Muuse lagu arko la xidho.
Maxaa ka dambeeyey. Kulankii Ireland iyo England ee lagu qorshaynayey khaarajinta Muuse Biixi kaas oo muhiimada ugu wayn ee laga lahaa uu ahaa sidii loo soo gababa gabayn lahaa damaca Muuse oo loogu cumaamadi lahaa Musharaxa Madaxweynenimo Maxamed Biixi Yoonis
Haddaba markay halkaa mareyso ayaa Maxamed Biixi Yoonis ka soo amba baxay wadanka UK gaar ahaan magaalada London isaga oo ay dhamaan isku ogaayeen in uu si cad oo aan gabasho lahayn uu u cadeeyo mawqifkiisa ku aadan musharaxnimada xisbiga kulmiye, waxaa isla habeenkaa soo foodsaray madaxweyne Siiraanyo cadaais aad u badan oo kaga yimi beesha caalamka iyo wadamada deriska oo kala dooransiiyey Madaxweyne Siiraanyo Burburka iyo jiritaanka Somaliland taas oo cadaadis lagu saarey in uu ka ilaaliyo kooxda Alictisaam hogaanka dalka Taas oo Madaxwenyne Siiraanyona Ka garaabay.
Isla subaxdii labaad waxaa ka soo degay Hargeysa Maxmed Biixi Yoonis oo kalsooni badani ka muuqato oo isla markiiba shaaciyey inuu musharaxyey. Waxaa la abaabulay xafladii uu kaga dhawaaqi lahaa oo ka dhici lahayd Guuleed hotel taas oo isla markiiba ciidan gaara ay soo weerareen markii uu xidhiidh la sameeyey saaxiibadiina loo sheegay in wax waliba is bedeleen musharaxnimadiina looga hadhayo Muuse Biixi Cabdi sidaana kula shaqeeyo taas oo ka daadegi weyday kooxdii uu Xirsi hogaaminayey walow uu Muuse Biixi laftiisa aad moodo in aanu ilaa hadda aaminsaneyn inuu Musharax yahay.
Kooxda labaad waa kooxda ku soo fashilantay fadaraalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ismaaciil Hure Buubaa.
Buubaa waxa uu sheegay in badan in Somaliland ay dan ugu jirto in ay ka mid noqoto maamul ka jira Soomaaliya. Waxa uu sheegay in shacabka Somaliland badi aanay doonayn in dalka uu kala qeyb noqdo hase yeeshee maamulku aanu fursad siinayn dadka wadan jaceylka ah.Isaga oo ka sheegay fagaarayaal badan oo aan marana qarsanayn.
Haddana waxa uu bilaabay in uu yidhaa midaynta Soomaaliya wax iman kartaa oo keliya marka awood maamulka uu qabto nin Garxajis ahi oo keliya taasna waxaa laga dhex fulin karaa oo keliya Xisbiga Wadani.
Ugu Danbeen Ex wasiir Xirsi ayaa ku dhiirraday in uu isku dayo inqilaab ka dhan ah Xukuumadda Siilaanyo, iyadoo la ogyahay sida Siilaanyo u aaminsay Xirsi iyo sida uu magaca iyo awoodaha gaarka ah u siiyay, sidaas oo ay tahay Ex Wasiir Xirsi kuma adkaan doonto in uu inqilaabo Xisbiga WADDANI, haddi uu danihiisa gaar ahaaneed ka dhex arki waaayo Xisbiga WADDANI .
Source Saxansaxo.








