Daawo Madaxwayne Amarkiisu Caalamka layaab ku noqday ka dib markii uu ka mamnuucay cabista sigaarka Jidadka iyo Goobaha lagu kulmo.
Filibiin{Arabsiyo News}–Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, ayaa soo saaray sharci cusub oo cabista sigaarka ka mamnuucaya jidadka iyo
meelaha lagu kulmo ee dalkaas, kaas oo noqonaya sharcigii ugu adkaa ee qiijinta sigaarka lagu cabo qoobaha caamkaah ee dalkaas iyo guud ahaan qaarada Eeshiya laga soo saaro.
Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte, oo ku guulaystay dagaalkiisi ka dhanka ahaa mukhaadaraadka ayaa sida muuqata ku dhiiraday inuu sharci adag ka soo saaro, qiijinta sigaarka ee meelaha lagu kulmo ee bulshada dhexdeeda, waxaanu sharcigani xakamayn u noqon doonaa dadka sigaar cabka ah ee dalka Filibiin oo lagu tilmaamo kuwa labaad ee ugu qiijinta badan sigaarka marka laga hadlayo qaarada Eeshiya.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








