WAR DEG DEG AH WASIIR IYO LABA SARKAAL OO KA TIRSAN XISBIGA KULMIYE OO GOOR DHAWAYD SHIL GAADHI GALAY.

0

Arabsiyo News–Wasiir ka tirsan xukuumada Madxweyne Siilanyo iyo laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku dhawaacmeen shil gaadhi.

Masuulyiintan ayaa waxaa ay  kala yahiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil  Cabdilaahi Axmed , xoghayaha Guud ee  xisbiga Kulmiye Xassan Siciid Yuusuf iyo Siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro).

gaadhi

Shilkan gaadhi ayaa waxaa uu ka dhacay deeganka biyo Shiinaha halkaaso oo uu madaxweyne ku xigeenku ku tagay Kormeer uu ku soo indho indheynaayey biyo baaladhinta Caasimada Hargeysa waxaana wararku intaas ku darayaan in dhaawaca soo gaadhay masuuliyiinta uu fudud yahay waxaana lagu soo wada cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Hargeisa Desk

Arabsiyonews@gmail.com