TOPNEWS- Loolan Siyaasiyiinta Beesha Hawd ee Guddoomiyaha Waddani, Dhawaqa Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Isku haya xilkan qabashadiisa

0

Hargaysa(AN)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dhowaan si rasmi ah u shaaciyey in uu guddoomiyenimada Xisbiga ku wareejin doono Beesha Gobolka Hawd, isaga oo aan arabaabin shaqsi balse si guud u sheegay in uu beeshaasi ku wareejin doono guddoomiyaha.
Jagada Guddoomiyaha ee lagu warejinayo Beesha gobolka Hawd, ayaa loolan ka dhex abuurtay Siyaasiyiin dhawr ah oo ka soo jeeda beesha degmada Gobolka Hawd, kuwaas oo ku hirdamaya qabashada booska uu Guddoomiye Cirro u ballan qaaday ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Xubnaha hanka leh ee doonaya in ay qabtaan jagada guddoomiyaha xisbiga waddani, ayaa waxa ka miud ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ay wararka qaar sheegayaan in hore beeshu ugu qoondaysay in uu buuxiyo booskaasi, Ibraahin Daahir Dubad oo ah nin qurba joog ah oo dhowaan shaaciyey in uu u taagan yahay jagadaasi, Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed ooh ore xilal uga soo qabtay xukuumaddii daahir Rayaale, kaas oo la sheegay in uu isaguna ka mid yahay raga ugu dhow in ay qabtaa xilka guddoomiyaha waddani marka uu cirro ku wareejiyo beesha gobolka Hawd, waxa isaguna u hanqal taaga xilkaasi Wasiirkii hore ee Cadaaladda oo ka mid ah siyaasiyiinta isbahystay eek u biiray waddani.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xaflad uu u qabtay siyaasiyiin ku soo biiray waxa uu ku yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waaan u ballan waadayaa oo aan ku wareejin doonaa beesha Gobolka Hawd” ayuu ku yidhi ballaan qaadkiisii Guddoomiye Cirro, waxaana soo dhaweeyey beesha gobolka Hawd, kuwaas oo sheegay in ay iyagu u soo xuli doonaan qofka ay u gartaan booskaasi maadaama oo uu guddomiyuhu si guud ugu wareejinayo beesha booska guddoomiyaha waddani.

Salaadiinta Beesha Axmed Dhagax oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey hadalkan guddoomiyaha waddani, waxaanay sheegeen in ay soo xulayaan qofka ku haboon buuxinta jagadab guddoomiyaha waddan “Reer ahaana talo ayaanu iskugu noqonaynaa cidii ku haboona waanu ka tashanaynaa” ayuu yidhi Suldaanka Guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar.

So kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo qofka ay slaadiinta beesha Hawd u soo xuli doonaan guddoomiyaha waddani, iyaga oo ay jiraan siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xisbigaasi oo doonaya in ay b uuxiyaan jagadan beeshooda la siiyey ee guddoomiyaha waddani.

 

Arabsiyo.com

Hargaysa Office