Arabsiyo News–Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay inuu ku caawinayo dhibanayaasha dagaalkii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay lacagta uu ka helay abaalmarinta nabadda ee la siiyay.
Juan Manuel Santos, waxaa la filayaa in abaalmarintan uu ka helo lacag gaareysa illaa 900 oo kun oo dollar.

Waxa uu abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah ku muteystay dadaalkiisa dhanka nabadda ee uu kula heshiiyay mucaaradka ka horjeeday dowladiisa ee loo yaqaano FARC.
Hogaamiyaha kooxda FARC, oo loo yaqaano Timochenko, iyo Madaxweyne Santos waxay kala saxiixdeen heshiis bishii la soo dhaafay.
Waxaa la shaaciyey in heshiiskaasi lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo dalkaasi ka socday in ka badan 50 sano kuwaasoo ay ku dhinteen kumanaan ruux.
Afti dadweyne oo heshiiskaasi loo qaaday ayaa codbixiyayaasha waxay ku diideen heshiiska nabadda, waxayna dadweynaha wadankaas dalbadeen in maxkamad la soo taago hogaamiyeyaasha kooxda FARC.








