Hargaysa(AN)Taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen lix oo faraha kula jiray falal amni darro oo ay ka wadeen magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Hawl gal ay ciidanka amaanka ee Somaliland gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen magaaladda Laascaanood, ayaa waxa ay ku soo qabteen lix nin oo looga shakisan yahay in ay wadeen falal amniga ka dhan ah, kuwaas oo la sheegay in Hargeysa loo soo dhaadhiciyey oo ay ku xidhan yihiin.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ahna Taliyaha Ciidanka Nabad Gelyada waddooyinka Gaashaanle sare Faysal Xiis, ayaa wargeyska Saxansaxo u sheegay in ay ciidanka amaank soo qabteen lix nin oo laga soo xidhay magaaladda Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay in ay faraha kula jireen arrimo amniga ka dhan ah baadhitaanna ay ku wadaan hadda.
Faysal Xiis oo arrintaasi aanu waydiinay waxa uu yidhi “Lix nin ayaa laga soo xidhay magaaladda Laascaanood, waxa lagu eedaynayaa nimankaas falal nabad gelyo darro ah in ay halkaas ka samaynayeen, kiiskoodiina waa la baadhayaa oo baadhsita ka hor dhicimayno, markaa waa sidaa nimankaasi waxa ay ku eedaysan yihiin falal amniga lidi ku ah in ay ku keceen”
Afhayeenka Booliska oo aanu waydiinay waxa ay kaga jawaabayaan dad cabasho ka muujiyey raggan la soo xidhay waxa uu yidhi “Dadka leh raggayagii ayaa la iska qabqabtayna waxba kama jiraan nimankaas waxa lagu soo xidhay sifo sharciga waafaqsan waana la baadhayaa kiiskooda, baadhistana ka hor dhici mayni dib ayaa ka soo sheegaynaa wixii ka soo baxa, waxa laga soo xidhay Lascaanood” ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Somaliland
Wargayska Saxansaxo








