Tabaha qarsoon ee Isbaahaysiga iyo Damaca kursi ee ka dhexguuxaya Maxamed Biixi iyo Ciro

0

Hargaysa(AN)Kooxda isbahaysiga waxaa lagu sifeeya kooxda ugu miisaanka cuslayd ee markeliya ka dareertay xisbul xaakiimka Kulmiye iyada maalmihii lasoo dhaafay heeryada dhigtey xisbiga Waddani muddo sanada Kadib, waxaana heshiis dheer oo la wada galay lagu heshiiyay xilal ay kooxda Isabahaysigu ka helaan xisbiga Waddani sida Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo loo Magacaabay Wasiirkii Hore Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani oo loo cumaamaday Xuseen Axmed Caydiid Wasiirki Hore Cadaalada hadaba Damaca siyaasadeed ee shaqsigu waa mid salka ku haya Rabitaanka qofka, Maxamed Biixi Yoonis waa Wasiirki Hore Arrimaha Dibeda Somaliland waxa xilkii qaranka iyo umada uga tansuulay damac siyaasadeed oo ah inuu dalka ka Noqdo isaga oo geed dheer iyo Mid Gabaan uu fuulayinuu noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada 2017ka balse arrintaas may Noqaan mid suurogasha iyada oo siyaasiyiin badan ka cadhoodeen Nidaamkii loo maamuulay shirkii shanaad ee xisbiga Kulmiye, Maxamed Biixi Yoonis, waxaa dalka kusoo noqday dhawaan isaga rabaa inuu ka qaybgalo heshiiska kama dambeysata ah ee kooxdiisa isbahaysigu la galeen xisbiga Waddani, iyada shaaciyay inay ku biireen xisbiga Waddani.
Hal Maalin kadib iyada oosi weyn loo hadalhayo halkuu ku dambeeyay Maxamed Biixi Yooni oo ah shaqsi si weyn uga dhexmuuqday kooxda isbahaysiga ayaa waraysi uu bixiyey Maalinti khamiisti waxaa laga akhrisanyey damaca maxamed Biixi Yoonis ee xisbiga Waddani waxaa uu sheegay inaanu aqbali doonin wax ka yar Madaxweyne, isaga oo cadeeyay inuu C/raxmaan cirro Ogoladaaay in lala tartamo taasina inta garaadka dheer waxay tusaysaa damaca siyaasadeed Ee Maxamed Biixi Yoonis, iyo sida uu ugu talo jiro inuu haankiisa siyaasadeed ka dhex Muujiyo xisbiga Waddani ka hor intaanu gaadhiin shirka Golaha dhexe ee xisbiga Waddan.

Si kastaaba ha ahaate C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa aha shaqsiga keliya ee utagaan jagada musharaxa xisbiga waddani, waaloow la filayo in maalamaha soo socda baadka iskeenaan siyaasiyiin hunguri kaga jiro Mansabka musharaxa Xisbiga Waddani ee doorashada 2017ka dalka ka dhacaysa, waxaana sidoo kale hirdaan Adag ka taganyahay musharax ku xigeenka xisbiga Waddani oo ay xilligaan ku loolamayaan siyaasiyiin badan oo kasoo jeedagobolka Awdal, waxaanu xisbiga Waddani shirkiisa Golaha dhexe wajhi doona Imtixaan Ada goo kaga gudbi doono caqabadaha siyaasadeed ee wakhtigan oo kale soo wajaha xisbiyada Somaliland, waxaana shaashadaha Calaamka laga dalacaan doona halka uu ku dambeeyo Haanka siyaasadeed ee Maxamed Biixi Yoonis .