Gaalkacyo{AN}–Shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay iney barakacaan ka dib markii cabsi ka soo foodsaartay in mar kale dagaal uu ka dhaco magaaladaasi.
Dagaal xoogan ayaa maalintii shalay magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug,kaasi oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo kala taabacsan dhinacyada dagaalamaya ayaa gaaraya Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo,taasi oo cabsi badan ku beertay shacabka.
Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney bilaabeen Barakac ku aadan sidii ay kaga baxsan lahaayeen saameynta ka soo gaara dagaalo mar kale dhaca.
Waxgaradka iyo sidoo kale Culimada ayaa lagu wado in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.
Mas’uuliyiinta Dowladda iyo madaxdii horay dalka u soo martay ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Gaalkacyo iney dagaalka joojiyaan.
Galkacyo Office
ArabsiyoNews@gmail.com








