GARSOORAYAAL ISKA CASILAY MAXKAMADAHA GOBOLADA AWDAL IYO SALEL+SABABTA

0

Arabsiyo News–Afar Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha gobalada Awdal iyo Salal oo goor dhaweyd saxaafada kula hadley magaalada Borama ayaa waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen in ay iska casileen shaqadaasi.

garsoorayaal

Garoosara yaashani  ayaa waxaa ay sheegen in ay sabab  u tahay  is casilaadooda ka dib  faro galin ay sheegen in ay kaga imaneyso Xukuumada gaar ahaan  aqalka madaxweyne ku xigeenka Somaliland .

Sidoo kale waxaa ay garsoorayaashani sheegeen in aanay wakhti xaadirkan la shaqeyn kareen waaxda garsoor  ee dalka ka jirta

Si kastaba ha ahatee maalintii shalay ayey aheyd markii uu is casilay gudoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobalada Awdal iyo Salal Idiris Faarax Muuse.

Halkan ka Daawo Muuqaalka