Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliada weerar xalay ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka Wqaooyi bari dalka Kenya, waxaana Weerarkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sargaal katirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahano katirsan ciidankooda ay weerar qorsheesan ka fuliyeen gudaha Mandheera ayna halkaasi ku dileen dad uu sheegay in ay ahaayeen Kirishtaan Kenyan ah.
Al-Shabaab waxa ay sheegtay weerarka ay ku qaadeen Magaalada Mandheera uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen loogu tala galay, waxa ayna tilmamaeen in halkaasi ku laayeen dad bartilmaameed u ahaa oo kunoolaa magaalada Mandheera.
Weerarkii ka dhacay magaalada magaalada Mandheera xalay ayaa lagu dilay lix qof oo Kenyan ah, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale, weerarkaasi ayaana xaalad cabsi badan ka abuurtay gudaha Mandheera.
Al-Shabaab ayaa horey weeraro qasaaro kala duwan dhaliyay marar kala duwan waxa ay ugu qaadeen Magaalada Mandheera iyo deeganao kale oo hoostaga.








