AKHRISO MAGACA IYO DALKA UU KA SOO JEEDO SHAQSIGA NOQONAYA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBEY

0

New York (Arabsiyo-News):- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Portugal Antonio Guterres ayaa qarka u saaran inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, sida ay xaqiijiyeen Diblomaasiyiin.

Mr Guterres oo 66 sano jir ah ayaa ah shaqsiga ay cadahay inuu noqonayo Xoghayaha Guud ee bedelaya Ban Ki-moon horaanta sanadka soo socda.

antonio-guterres

Codeynta rasmiga ayaa dhici doonta maalinta khamiista, si xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ay u xaqiijiyeen shaqsiga ay doorteen.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ku ammaantay Mr Guterres inuu yahay nin waayo arag ah, isla markaana shaqo adag soo qabtay.

Mr Guterres ayaa muddo 10 sano ahaa Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga, waxaa lagu tilmaamay inuu yahay nin waayo arag ah oo muddo soo shaqeeyay.

Horaanta bisha 1 ee sanadka 2017 ayuu si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Mr Ban Ki-Moon oo xilkan soo hayay 10-kii sano ee u dambeeyay.