Galkacyo{Arabsiyo News}–Wadayaasha Mooto Bajaajka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ka cabanaya dhibaato cusub oo la soo deristay,kuwaasi oo ka soo gaaro carruurta xaafadaha magaaladaasi.
Dhibaatada iminka la soo deristay Mooto Bajaajka ayaa ah Dhagaxyo ay ku tuurayaan carruurta,waxaana jira dhaawacyo ka soo gaaraya wadaha gaadiidka iyo rakaabka saran.
Wadayaasha iyo mulkiilayaasha ayaa xusey inay sidoo kale caqabado kaga yimaada waalidiinta caruurta kuwaasi oo diida inay bixiyaan dhibka ay dhalaankoodu gaysteen madama ayna xakamayn karin caruurtaan taasina ay keentay cabashada ka timid mulkiilayaasha iyo wadayaasha Bajaajka.
Badi dhalaankaan tuuryaynaya mootada iyo dadka saaran ayaa waxaa ay ubadan yihin kuwo aan tagin goobaha wax barashada waxaana ay ugu baaqeen in waalidiintaas ay wax barasho geeyaan caruurtaan si ay uga bad baadaan dhibaatada ay ku hayaan.
Hargeisa Office
ArabsiyoNews@gmail.com








