Moqdisho (Arabsiyo-News):- Ergada ka qeyb galeysa Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa maanta cod u qaaday halka ay noqoneyso Caasimada uu yeelanayo maamulka hada dhismihiisu uu ka socdo magaalada Jowhar.

Ergada Shirka ka qeyb galeysa ayaa ka doodayay dastuurka uu yeelanayo maamulka Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan, waxa ayna maanta cod u qaadeen kuna ansixiyeen in magaalada Jowhar ay noqoto Caasimada Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH, waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda.
Ergada ka qeyb galeya Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa cod ku meel mariyay in Jowhar noqoto xarunta Maamulka la dhisayo , waxa ay sidoo kale Ergada wali ka doodayana qodobokale oo dastuurka ku qoran.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey wareegto uu usoo saaray ku sheegay in Caasimada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ay u noqoneyso magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, lamana oga saameynta wareegtada ay ku yeelan doonto ansixinta Ergada maanta ku ansixiyeen in Jowhar caasimad noqoto.








