Murashixiinta Isku Soo Taagay Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Waddani Oo Xadka Ka Baxay Iyo Cirro Oo ku kaliyaystay kursigiisa

0

Hargaysa(AN)Siyaasiyiinta isku soo taagtay murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani, ayaa maalmihii u dambeeyey iska soo daba dhacayey, halka aanay illaa hadda jirin cid shaacisay in ay guddoomiye cirro kula tartamayso jagada murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi oo u muuqda in uu ku keliyeystay.

Murashixiinta sida rasmiga ah u shaaciyey in ay u tartami doonaan murashaxa madaxweyne ku xigeenka waddani, ayaa maalmihii u dambeeyey iska soo daba dhacayey oo meelo kala duwan ku soo bandhigay murashaxnimadooda, kuwaas oo hadda gaadhay illaa todoba siyaasi oo intooda badani ay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal.

Siyaasiyiinta shaaciyey in ay ku loolamayaan murashaxa ku xigeenka madaxweynaha ee xisbigaasi, ayaa kala ah, Jaamac Hanfi Boodhe, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, prof: Maxamed Cali, Axmed Muumin Seed, Barkhad Jaamac Xirsi, Cabdirisaaq Cali Cismaan iyo siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo isagu aan weli shaacin balse la aamin san yahay in uu murashax yahay oo uu u tartami doono jagada ku xigeenka waddani.

Hogaanka Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Madaxdhaqameedka siyasiyiinta shaaciyey in ay u tartamayaa murashaxa ku xigeenka madaxweynaha waddani, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku hawllanaa sidii ay u kala reebi lahaayeen, balse warar xogogaal ah oo laga helay ay sheegayaan in aanay ku guulaysan arrintaasi oo loogu kala baxay in ay ku kala calaf qaadaan shirka golaha dhexe ee xisbigaasi oo dhowaan la qaban doono.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isagu ah murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani, ayaanay illaa hadda jirin cid sheegtay in ay kula tartamayso jagadaasi, taas oo u muuqata in uu ku keliyeystay oo aanay cidina kula tartami doonin murashaxa madaxweynaha ee xisbigiisa.

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office