Muqdisho {Arabsiyo News}—Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay wehliyaan xubno katirsan labada Golle ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi saakay si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xubnaha kale ee la socda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo inta uu joogo kula kulmi doona masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxgaradka Baydhabo ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee busldhada ku dhaqan magaaladaasi.
Wali lama oga ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya u tagayo Magaalada Baydhabo, waxa uuna Madaxweynaha shaaciyay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna durba bilaabay ololihiisa doorashada.








