Gobolada Bariga S/land oo kabaha usoo xidhay sanadkan Doorashooyinka iyagoo tartan adag kala hortagi doona Gobolada Galbeedka

0

Hargaysa(AN)Gobolada Bariga Somaliland, ayaa doorashooyinka soo so cda ka duwanaan doona sidii ay ahaayeen doorashooyinkii hore marka loo eego dhinaca codaynta sidii ay uga qaadan jireen doorashooyinkii kala duwaan ee dalka ka dhacay oo aanay inbtooda badani door muuqda ku lahayn.

Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, ayaa la filayaa in ay isbedel muuqda uu ku iman doono doorashada la filayo in laga qabto horaanta sannadka soo socda ee 2017-ka, ka dib markii diiwaan gelin laga sameeyey deegaamadaasi oo ay dadka deegaankaasi si ballaadhan isku diiwaan geliyeen, waxaanay wararku sheegayaan in dadka iska diiwaan geliyey magaaladda Laascaanood ay aad u tiro badanaayeen.

Qiimayn uu wargeyska Saxansaxo ku sameeyey diiwaan gelintii laga qabtay gobolada  bariga Somaliland, isla markaana aanu kala xidhiidhnay dad kala duwan oo isugu jira masuuliyiin iyo shacabba, ayaa muujinaya in uu isbedel dhinaca codaynta ahi ku iman doono gobolada bariga oo ay ka soo bixi doonaan codad aad uga badan kuwii hore uga soo bixi jiray.

Doorashada soo socota ee Madaxtooyada, ayaa laga codayn doonaa gobolada bariga, sidii ay damaanad qaadeen masuuliyiinta ka soo jeeda gobolada bariga oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Caafimaadka Mr Xaglatoosiye wakhtigii uu isku soo taagay murashaxa madaxweyne ku xigeenka Kulmiye ee lagaga guulaystay, waxaanuu caddeeyey in ay beelaha Harti codayn doonaan doorashada.

Meelo badan oo aan hore loo geyn jirin diiwaan gelinta iyo doorashooyinka Somaliland , ayaa sannadkan laga qabtay deegaamada bariga Somaliland, waxaanay taasi muujinaysaa in ay sannadka soo socda doorashooyinka laga qaban doono dalka Somaliland cod kula tartami doonaan goboladaasi kuwa galbeedka, waxaanay wararku sheegayaan in ay dad aad u badani iska diiwaan geliyeen gobolka Sool.