Wasiirka Biyaha Oo Lagu Bedelayo Guddoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle

0

Hargaysa(AN)Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday qorsheyaal ay ku doonayeen in lagu bedelo guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbigaasi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka mid ah isbahayisga.

Ma jiro warsmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, balse wararka xogogaal ah oo uu Shebekedda somalilandrise ka helay Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegaya in xisbigaasi u qorsheeyey in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbigaasi oo raacay  siyaasiyiinta is bahaysitay ee kulmiye lagu bedelayo Wasiirka Biyaha Somaliland, baashe Cali Jaamac, iyada ooh ore loo bedelay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaasi Xildhibaan Waabeeye.

Wararka xogogaal ah oo aanu ka helnay xisbiga Kulmiye, ayaa noo xaqiijiyey in dhowaan loo magacaabi doono guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Kulmiye Bashe Cali Jaamac oo ah wasiirka biyaha, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey gobolada ka waday arrimo la xidhiidha nabadaynta iyo horumarinta dalka.

Source Somalilandrise

 Arabsiyo.net

Hargaysa Office