Degaan ku yaalla Somalia oo abaaro awgeed fuustadii biyaha ay ka mareyso shan boqol oo dollar

0

Iyadoo mudooyinkan dambe abaaro xoogan laga soo sheegayey degaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xaalada degaanada qaar ay ka sii dareyso.

Degaanka Reydable oo hoos taga maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay iney ka jirto xaalad biyo la’aan tii ugu darneyd.

Guddoomiyaha degaanka Reydable Yaasiin Warsame oo la hadlayey idaacada BBC ayaa sheegay in fuustadii biyaha ay degaankaas ka gaartay lacag gaareysa $500 oo dollar, taasoo uu xusay iney tahay masiibo aan horey loo arag.

“Degaanka Malaha Ceelal, dadka iyo duunyaduba waxay ka cabi jireen baraagaha laga buuxiyo biyaha roobka, hase ahaatee wey qalaleen roobna lama hayo, meesha Ceel noogu dhow waxay noo jirtaa wax ka badan 100-km” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in xoolihii ay dhaqan jireen dadka degaankaas ay intooda badan le’deen baad iyo biyo la’aan awgeed, qofkii heystay boqol ari ahna waxaa uu sheegay iney u soo hartay wax aan ka badneyn toban neef, kuwaasoo uu xusay in iyaga iyo dadkii dhaqanayey intaba ay xaaladoodu liidato.

Maamulka Puntland ayaa marar badan qeylo dhaan ka soo saaray abaaraha xoogan ee ka jira degaanada hoos taga, iyagoo heyadaha samafalka caalamka iyo ganacsatada degaanka ku booriyey iney biyo iyo raashiin la gaaraan degaanada fog ee miyiga ah ee abaaraha ugu daran laga soo sheegayo, mana jiro gargaar macno leh oo illaa hadda gaaray degaanada abaaruhu ay ku dhufteen

Puntland Office

Arabsiyo News@gmail.com