Deg Deg Wasiir ka tirsan maamulka Puntland oo iscasilay & xog ku aadan sababta ka dambeysa

0

Puntland {Arabsiyo News}--Wasiiru dowaha Madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Puntland Dr. Maxamed Cabaas Macalin ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.

Maxamed Cabaas Macalin ayaa xalay sheegay inuu warqadiisa iscasilaada u gudbiyey Madaxaweynaha maamulkaas C/wali Gaas, lagana aqbalay.

Kama hadlin wasiirku sababta keentay iscasilaadiisa, hase ahaatee warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay wasiirka iscasilay iyo madaxweynaha Puntland, kaasoo salka ku haya sida loo maamulay deeqo kala duwan oo Puntland ay ka heshay dibeda.

Maxamed Cabaas Macalin ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee todobaad gudihiis iska casila maamul goboleedka Puntland, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii uu isna xilka iska casilay wasiirkii warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde.

 

Puntland Office

ArabsiyoNews@gmail.com