Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa gaadhiisii gaarka ahaa ku galay shil maalinimadii khamiistii.
Gaadhiga Afhayeenka ayaa gaadhiisu ku dhacay Gidaarka Guriga ay degen yihiin Komishanka Doorashooyinka Somaliland eek u yaala Gobolka gaadhigaasi oo noociisu yahay gaadiidka raaxada ee loo yaqaan Verrosa.
Dadkii goobtaasi ka dhawaa xilliga uu gaadhigu kula dhacay halkaasi ayaa sheegay in aanu xilligaasi miyirkuusu joogin Afhayeenka,inkasta oo warar iskhilafsan ay ka soo baxayaan shilka gaadhiga Afhayeenka Madaxwaynaya Somaliland.
Ciidanka Ilaalada Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa markiiba heegan galay waxaana ay hareeraha qoryo kaga qabteen gaadhiga oo muraayaduhu u dalacnaayeen balse markiiba waxa ay garteen in uu yahay Afhayeenkii Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige.
Mr. Deyr waxa soo gaadhay dhaawac fudud oo gacanta ah waxaana markiiba loo qaaday dhinaca xarunta Komishanka oo xaaladiisa lagu eegay.
Dadweyne farabadan oo goob joog u ahaa dhacdadan ayey layaab ku noqotay qaabka shilkani u dhacay oo ahaa nooc ku cusub bulshada iyada oo aan la garanayn xaalada uu wakhtigaasi ku sugnaa su’aalo badana ka dhasheen.








