Dab xoogan oo dhaliyay Qasaaro maaliyadeed ayaa saakay aroor hore qabsaday Suuqa Xaafada Buulo Xuubey ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkan ku gubtay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaalay.
Gaadiidka Dab damiska maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gaaray suuqa uu dabku ka kacay, waxa ayna mudo kadib ku guuleesteen in ay damiyaan dabka oo si xoogan ku bilowday.
Dabkan saakay ka kacay Suuqa Buulo Xuubey waxaa ka dhashay qasaaro badan oo maaliyadeed, waxaana halkaasi ku gubtay dukaaman dhoor ah, waxana markii dambe laga hortagay in uu dabku ku faafo xaafadaha ku dhaw dhaw suuqaasi.
Wali lama oga waxa dhaliyay dabkan qasaaraha dhaliyay ee saakay ka kacay Suuqa Xaafada Buulo Xuubey, xaalada ayana hada ah mid dagan waxaana Suuqa dhax jooga ganacsatadii hantida ka gubatay kuwaa oo ka walaacsan qasaaraha soo gaaray.
Inta badan Suuqyada kuyaala magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa u nugul ay gubtaan, waxaana marar badan uu dab ka kacay suuqyo ku yaala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho .








