Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku cel celiyey inay xukuumadda ka go’antahay inay doorashada Madaxtooyaddu wakhtigeeda ku qabsoonto, isagoo balan qaaday xukuumaddiisu inay diyaarisay kharashka ku baxaya doorashada.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyana sheegay inay Doorashada Madaxtooyadda wakhtigeeda ku qaban doonaan, iyagoo sheegay inay wax kastaa diyaar ka yihiin, isla markaana ay dar dar galinayaan hawlaha hor yaala.
Hadaba marka la eego balanqaadyadda Xukuumadda iyo Komishanku Axsaabta iyo Dadweynahaba u balanqaadayaan arrintaas waxa jira shaki iyo dareeno is barkan oo dadka siyaasadda Odorosaa ay arrintaas walaac kaga muujinayaan duruufaha taagan dartood.
Doodaha soo noq noqonaya qaarkaad ayaa sheegaya Xukuumadda talada haysa inaanay daacad ka ahayn inay Doorashadda qabato, dadka sidaas qabaa waxay u food saaraynayaan masharaaciida ay ku jirto dartood inaanay xilligan diyaar u ahayn inay fuliso Doorasho.
Inkasta oo Madaxweynuhu mar kasta ku dhawaaqo hadana dadka dareenka taban ka qabaa waxay aaminsan yihiin inay jiraan jilaafooyin ka sokeeya oo meel dhexe ka fadhiisiinaya qorshayaasha mar walba la isla meel dhigo.
Sidoo kale, caqabada Xukuumadda ka haysta wadahadalada Barriga iyo dagaaladda ka taagan ayaa la sheegayaa inaanay u saamaxayn inay doorashada ku qabato wakhtigeeda, maadaama guulaha ay ka gaadho qorshahaasi uu noqon doono mid ay ku gasho ololaha si ay Faan ugu noqoto, isla markaana dadka ku kasbato.
Heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumaddu gashay sida ka dekedda Berbera iyo madaarka oo la hadal hayo imika ayaa iyana la filayaa intay fulayaan inay ka war wareegi doonaan qabashada Doorashada, iyadoo la rajaynayo inay xukuumaddu ka rabto dhaqaalahaas inay ku gasho Ololaha Doorashada, maadaama toddobaadkii dhawaa ay soo muuqatay in meel fagaare ah masuuliyiinta xukuumadda qaarkood ay Qaadhaan ugu gureen musharaxiinta Xisbul xaakimka u tartamaysa.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa dhinacooda gaabis badani ku jiraa, kaasoo ay kow ka tahay inay mugdi soo kala dhex galay iyaga iyo beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka heli jireen taageero dhaqaale, mid maamul iyo mid farsamaba, waxaana muuqda inay ka door bideen ku tiirsanaanta Xukuumadda, taasoo dhinaca ka wanaagsan, dhinaca kale-na xilligan keeni karta Dibu-dhaca hawlaha Doorashada ku xidhan qaarkood.
Tusaale ahaa Komishanka Doorashooyinka hawl wadeenada kala shaqaynaya diiwaangalinta iyo Doorashooyinka waxay inta badan saamayn ku leeyihiin qalabka elektarooniga ah ee ay Komishanku ku shaqeeyaan iyo waliba xogaha ay Kaydiyaan, maadaama khubaradaasi ay ka socdeen beesha Caalamka, waxaanay hakad galin karaan haddii aay la hagaajin xidhiidhka xumaaday ee u dhaxeeya xukuumadda, Komishanka iyo Qaadhaan bixiyayaasha.
Mudada hadhay oo kooban iyo hawsha Komishanka u taalaa waa kuwo kala badan, waxaana la hadal hayaa in ay kala badan yihiin, tusaale ahaan daabacaada, iyo qaybinta kaadhadhka Cod-bixiyayaashu waa hawl aan ka yaran tii ay komishanku hore usoo qabteen, waxaana jira duruufo badan oo ka hor iman kara muddada ay ku dhamaystirayaan.
Dhinaca Sadexda Xisbi marka la eego Xisbul xaakimka Kulmiye waxa la odhan karaa wax kastaa waa u diyaar oo caqabado badan ayuu ka soo gudbay, hase yeeshee labada Xisbi mucaarad waxa ka muuqda in aanay ku diyaar garoobi Karin mudada ka hadhay Doorashada, waxaanay muuqda murano iyo khilaaf ragaadiyey, kuwaas oo xataa aanay kaga soo kaban Karin.
Labada Xisbi mucaarad ayaa u muuqda kuwo aan tartanka kaga qayb gali Karin marka la eego kala daadsanaantooda, waxaana sababay inta badana labada hogaamiye oo ku milmay xukuumadda, isla markaana Heshiisyo hoose kula jira, kuwaas oo walaac galiya mararka qaarkood taageerayaasha iyo madaxda xisbul xaakimka.
Taageeradii labada xisbi mucaarad ee Heshiisyadii Dekedda Berbera, tii dibu-dhigida doorashada Wakiiladda iyo xidhiidhada hoose ee ay madaxda axsaabtu la leeyihiin xukuumadda talada haysa ayaa la sheegayaa inay mar kale dariiqa u xaadhayaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, waxaanay xogaha soo baxayaa sheegayaan in uu jiro qorshe ay Heshiis ku yihiin oo soo shaac bixi doona, kaasoo dib loogu dhigayo Doorashada Madaxtooyaddu.
Hadaba su’aasha dadweynuhu is weydiinayaa waxay tahay ma ka dhab baa siyaasiyiinta iyo Komishanka Doorashooyinka inay doorashada ku qaban doonaan wakhtigeeda, iyadoo ay jiraan duruufaha aan soo sheegnay?
Xigasho: Waaheen








