DAWLADDA JABUUTI OO CARWO DALXIISKA LA XIDHIIDHA KU SOO BANDHIGTAY LACAGTA SHILLINKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

0

Jabuuti (An): Lacagta shillinka Somaliland  ayaa   si weyn uga dhex muuqatay, isla markaana noqotay  mid  soo jiidatay indhaha dadkii   ka qeyb  galay  gaar ahaana kuwii  ajaanibka ahaa   carwo lagu qabtay dalka Jabuuti, oo lagu xusayay maalinta dalxiiska adduunka oo 27-ka bisha September  sanad walba wadamo badan oo caalamka ah laga xuso.  Ban-dhig carweedkaasi lagu xusayay maalinta dalxiiska adduunka  oo shalay lagu qabtay  hudheelka Kambiski ee  magaaladda  Jabuuti,  ayaa  lagu soo bandhigay  waxyaabaha  qadiimiga ah iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka ee ay dadka Soomaalidu caanka ku yihiin. Waxaana la arkayay iyadoo dadkii ban-dhig carweedkan  ka soo qayb galay  ee ajaanibka ahaa ay si aad ah u xiisaynayeen, isla markaana u daawanayeen lacagta shillinka Somaliland  gaar ahaana 1000 shiiling oo ka mid ahayd waxyaabihii carwadaasi lagu soo bandhigay.lacagta-shilinka-somaliand

Lacagta  Somaliland ayaa  sida caadiga ah waxay  ka mid  tahay  waxyaabaha taariikhiga ah ee  yaalla carwooyinka ama madxafyadda hidaha iyo dhaqanka ee dalka Jabuuti,  waxaanay   ka mid ah waxyaabaha had iyo jeer  sida weyn u soo jiita dadka ajaanibka ah ee booqda   goobaha lagu kaydiyo  aasaarta qadiimiga ah ee dalka Jabuuti. Dadkii ajaanibka ahaa ee ka soo qeyb galay  ban-dhigaas ayaa la sheegay in ay lacagta Somaliland  iibsanayeen, iyagoo u aad u  xiisaynayay  midabyadeedda iyo sawiradda  qurxoon  ee ku sharaxan lacagta Somaliland.  Waxaana la sheegay in  dadkii dalxiiseyaasha ahaa ee carwadaasi joogay   in ay 1000 shilling-ka  ee lacagta Somaliland  ku iibsanayeen $3 dollar oo lacagta Maraykanka ah, iyadoo  ay si weyn ugu qanacsanaayeen dadkaasi ajaanibka ah  muuqaalka lacagta Somaliland.  Dhinaca kale munaasibadaasi oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda  dalxiiska ee dalka Jabuuti oo kaashanaysa  xafiiska dalxiiska ee dalkaasi Jabuuti, waxa  munaasibadaasi   ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Jabuuti, agaasimaha guud ee waaxda dalxiiska.

lacagta-shilinka-somaliand

Sidoo kale waxaa  carwadaas  lagu soo casuumay  boqolaal dalxiiseyaal ajaanib ah oo kala socday wadamo badan oo caalamka ah,  xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah ee shaqeeya arrimaha dalxiiska iyo marti sharaf kale.

Carwadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay  waxyaabo kala duwan oo ka mid ah  kuwa hidaha iyo dhaqanka,  waxyaabaha qadiimiga ah, oo isugu jiray qalabyo laga  farsameeyay dhirta, dhagaxaanta iyo kuwo kale oo badan.

Boqolaal dalxiiseyaal ajaanib ah ayaa ka soo qayb galay bandhigan  kuwaasi oo ay qaarkood iibsanayeen alaabooyinkii kala duwanaa ee halkaasi yaallay, halka ay  qaarkoodna daawasho u yimaadeen carwadda.

Geesta kale waxaa carwadaasi ka soo qayb galay oo lagu soo casuumay  qaar ka mid ah dadka  ku caanka ah kuna shaqaysta xirfadda far-shaxanka   ee  reer Jabuuti,   sida  samaynta sawirradda  iyo curinta  qeybaha kala duwan ee far-shaxanadda.

Kuwaasi oo carwadda  ku soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay farsamayeen  dhir iyo dhagaxaan, sida Geella oo ka mid ah xoolaha ay Soomaalidu caanka ku tahay, isla markaana inta qorri geed laga farsameeyay oo  loo ekaysiiyay neef Geel ah iyo waxyaabo kale.