Dawlada Somaaliya oo si cad usheegtay cida ka danbaysay duqayntii garoonka Gaalkacyo

0

Muqdisho(AN)War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Cartey ayaa looga hadley weerarkii ka dhacay meel ku dhaw magaalada Gaalkacyo habeenimadii Isniinta oo ay sheegatey Dowladda Maraykanku in ay iyadu fulisey, kadib markii la soo weeraray la taliyaal iyo ciidan yar oo ka jooga Gaalkacyo.

 

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysalwasaare ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka ah.

Qodobada kamid ah qoraalka ka soo baxay Xafiiska Raysalwasaare xigeenka ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumadda Federaalku ay walaac ka muujisey sheegashada Puntland ee duqeynta.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland, oo ay uga hadlayaan weerarka dhacay.

Waxaa la is-weydiinayaa halka Xukuumadda Federaalku ay ka keentey in Puntland ay sheegatey duqeynta? Puntland ma haysataa diyaarado ay wax ku duqeyso?.

War ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegtey in ay weerarkaas iyadu fulisey.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska raysalwasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa loo dhigey in Maraykanku duqeeyey ciidamada darwaasiishta Galmudug iyo dad shacab ah, waxaana Dowladda Maraykanka looga codsadey in faah-faahin deg-deg ah ka bixiso weerarkii Gaalkacyo ka dhacay.

Ugu danbeyntii ayaa xiisadda taagan loo dhigey mid u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.

Hoos ka akhri warka ka soo baxay Xukuumadda Federaalka ah:

golaha-wasiirada

golaha-wasiirada1

 

Arabsiyo.net

Muqdisho Office