Waxaa maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka dhacay banaan bax ay dhigayeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi, kuwaa oo si weyn uga careesnaa duqeyn ay geesteen Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu dilay Ciidamo badan oo katirsan Galmudug.
Dadka dhigayay banaan baxa ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Dowlada Mareykanka iyo Maamulka Puntiland, waxa ayna dadkan wadooyinka magaalada Gaalkacyo ku gubeen sheegag iyo calanka Dowlada Mareykanka.
Waxaa ka muuqatay dadka banaan baxa dhigayay caro xoogan ay ka qaadeen askarta Galmudug katirsan ee saakay aroor hore lagu laayay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ku eedeeyeen Duqeyntan in ay ka dambeeyeen Mareykanka iyo Puntiland.













