XILDHIBAAN KA TIRSAN GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO SHEEGAY IN AANAY DALKA DOORASHO KA DHACEYN + MUUQAAL.

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Xildhibaan Axmed Maxamed Obsiiye Gacan  oo ka mid ah mudanaaysha golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in aanay dalka ka dhaceen wax dorasho la yidhaahdo

gacan

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sidoo kale uu sheegay in aanay jirin xal uu madaxweyne Siilanyo u waayey arimaha saami qeybsiga balse  xaalku uu yahay baroortu ceesaanta ka weyn , madaxweyne Siilanyo na uu ku talo galay in aanay jirin madaxweyne ka danbeeya oo dalka xukuma isaga dabadii waa sida uu  hadalka u dhigaye

Dhinaca kale xildhibaanku waxaa uu sheegay in golaha wakiilada iyo guurtida  midkoodna aanu  rabin in ay kuraasta ka kacaan  balse ay ka jecel yahiin in muddo kordhin loo sameeyo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan