Halkan ka Akhri Nuxurka Midowga Yurub Qoraal ay wada jir u soo saareen Midowga Yurub iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo cida uu ku socdo

0

Qoraal ay wada jir u soo saareen Midowga Yurub iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Midowga Yurub kaasoo ay kaga jawaabayeen warbixinta Qaramada Midoobey ee Xoriyadda Qowlka Soomaaliya

.

Nairobi, 22ka September, 2016, Midowga Yurub iyo Dowladaha xubnaha ka ahba waxaa ay ugu hambalyeneyaan Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Qaabilsan Xaquuqul Insaanka ee (OHCHR) in ay soo saareen warbixintoodii ugu horeysay ee la xiriirta xaaladda xorriyada qowlka ama hadalka ee Soomaaliya. Midowga Yururb iyo dhamaan wadamada xubnaha ka ahba si weyn ayey u aaminsan yihiin una dhiirigalinayaan xoriyada hadalka ama qowlka. waxaana u aragnaa in ay tahay dhagax dhiga dimuquraadiyada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee qof kasta leeyahay.

Sida ay warbixintu cadeyneyso, dilka, jirdilka, faquuqinta, xariga iyo xabsiga aan sharciyeesnayn, maqnaanshaha nidaam caddaaladeed oo la horgeeyo dadka la tuhmayo, iyo xariga lagula kacayo warbaahintuba waxay noqodeen falal si joogta ah uga dhaca Soomaaliya oo dhan. Waxaa aallaaba inta badan lagu saleeyaa falalkaas eedeymo la xiriira baahinta war been ah, loona cuskado  sharciga benalaha ee Soomaaliya si loo ciqaabo.

Dareen weyn ayaan ka qabaan Midowga Yurub ahaan in dacwadahaas xooggoodu ay yihiin kuwo aan  baaritaan lagu sameynin. waxaanna u aragnaa xaalada mid waajib ka dhigeysa in la dhowra, difaaco, lana hormariyo xuquuqda madax bannaanida fikradaha dadka iyo xoriyatul qowlka, sidaa darteedna haydaha dowliaga ee ay quseyso waxaa laga dhowrayaa in ay si nidaamsan uga jawaabaan warbixinta, una baaraan eedeymaha, isla markaana in u sinnaanshaha sharcigu noqdo mid horseeda in la xaq dhowro xuquuqul insaanka.

Waxaan sidoo kale garawsanahay baahida loo qabo in la tirtiro sharciga danbiyeynaya baahinta warar aan run ahayn, lana xaqiijiyo in doorka nadabad Sugidda Soomaaliyeed noqdo mid ah kor joogteyn huffan iyo tallaabooyin isla xisaabtan ah.

Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ahba waxay doonayaan in ay arkaan todobaadyada soo socda in la abuuro jawi ogolaanaya in dadku ka qayb galaan doodo la xiriira geediga dimuquraadiyada oo dhacaya, lana bixiyo damaanad in ay jirto xoriyada hadalka, xaqa sameysashada urruro iyo isku soo baxyo nabadeed. Si loo bari taaro dimuquraadiyada baahsan iyo howl laga wada qeyb qaadanayo oo loo dhan yahay.

Waxaan soo dhoweyneynaa shar