Hargeysa (AN)-Xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa kala saarista siyaasyiinta ku loolamaya musharaxa madaxwayne ku xigeenka .
Kuwaas oo ka soo wada jeeda gobolka awdal shirar doceedyo maalmihii ugu dambeeyey ka scoday magaalooyinka hargeysa iyo boorama oo ay ku kulmayeen hogaanka saree e wadani iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan, axmed muumin seed iyo prof. maxamed cali oo ah labada siyaasi ee ugu cadcad wakhtigan ee xisbiga wadani uu kala saari laayahay in ay noqdaan musharaxa madaxwayne ku xigeen ee wakhtigan.
Kulan manta hotel ambassador ee magaalada hargeysa ay fooda isku dareen madaxdhaqameedka ardaayada ay ka soo kala jeedaan axmed muumin seed iyo prof maxamed cali oo uu dhexdhexaadinayey gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo isagu ah mid aanay cidina kula loolamayn musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Wadani, kulankaasi oo ahaa mid ay albabaadu u xidhnaayeen oo warbaahinta loo diiday in ay ka soo ag-wareegto isla markaasina gabi ahaanba laga saaray hotelka Ambasador ayaa waxaa la arkayey qaar ka mid ah madax dhaqameedka oo dibada uga soo booday Hoolka uu ka socday shirkani oo ahaa mid hadhimo qado ah.
Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa wararka ay ka soo baxayaan waxay sheegayaan in la isku mari waayey halkaas oo hogaanka saree e xisbiga wadani uu ku da’daalay in uu ku qanciyo gudoomiye ku xigeenka koowaad axmed muusmin seed in uu u tanaasulo prof maxamed cali,balse ay ganafka ku dhufteen isaga iyo madax dhaqameedka beeshiisuba soo jeedintaasi tanaasulka ah.
Axmed muumin seed oo ah aasaasayaashii xisbiga mucaaradka ah ee wadani isla markaana naf iyo maalba u soo huray ayaa wakhtigan ay walaac xoogan ka muujinayaan dadka siyaasada Somaliland qiimeeya in daaqada laga tuuro axmed muumin seed oo lagu badalo siyaasiga qurbaha dhawaan ka yimid ee ku loolamaya musharaxa madaxwayne ku xigeen. .
Iyadoo hore shirar ay beelahoodu ugu qabteen wadanka itoobiya iyo deegaanadoodaba la isku mari waayey in axmed muumin seed lagu qanciyo tanaasulkaasi.
Balse waxa laga dhul sugi doonaa halka uu sal dhigan doono hirdanka u dhexeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka awdal ee isku haya kursiga musharaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga wadani.
Arabsiyo.net
Hargaysa Office








