Warsaxaafadeed Madaxwaynaha S/land oo magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa

0

Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu JSL/M/XERM/249-4264/092016 tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Ku Qancay:                  In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;
Markuu Arkay:                         In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);

Wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

1.      Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal                            Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
2.       Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed                                        Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
3.       Abdillaahi Ibraahin Habane                                                Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
4.       Cali Cabdillaahi Daahir                                                     Madaxa ICT Commission-ka.
5.       Liibaan Ismaaciil Maxamuud                                         Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
6.       Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid                                 Duqa Caasimadda Hargeysa.
7.       Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse                                       Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
8.       Maxamed Faarax Xirsi                                                      Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
9.       Cabdirashiid Maxamed Siciid                                           Ganacsatada.
10.    Cabdikariin Maxamed Iid                                                   Ganacsatada.
11.    Suldaan Axmed Daahir Muuse                                        Culimada.

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.