WAR:- DEG DEGA:–DAWLADA KENYA OO KU DHAWAAQDAY IN SOMALILAND AY TAHAY MAAMUL KA MIDA DAWLADA DHEXE EE SOOMAALIYA + SABABTA

0

Nayroobi (Arabsiyo News) Dawlada Kenya Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Somaliland Ay Ka Mid Tahay Maamul Gobolleedyada Soomaaliya, Oo Aanay U Aqoonsaneyn Dawlad Jirta Amase La Citiraafi Karo.

Waxaanay Sidaasi Ku Sheegtay War-Saxaafadeed Uu Soo Saaray Af-Hayeenka Dawlada Kenya,Sido Kale Waxaa Ay Dawlada Kenyaa Ayaa War-Saxaafadeed Ay Soo Saartay Kaga Hadashay,Socdaal Uu Dhawaan Ku Tagey Somaliland Gudoomiyaha Gobolka Meru Ayaa Sheegtay In Somaliland Ay U Aqoonsan Tahay Maamul Goboleed Ka Tirsan Soomaaliya.

Af-Hayeenka Dawlada Somaliland Manoah Esipisu Ayaa Warbaahinta U Akhriyay Qoraal Xeerka Mudahraadka Oo Kuna Socda Gudoomiyaha Gobolka Meru Sababna U Ahaa In Soomaaliya Ay Joojiso Qaadkii Uga Iman Jiray Kenya.

Af-Hayeenka Ayaa Waxaa Uu Eedeyay Gudoomiyaha Gobolka Meru, Inuu Masuulka Ahaa Sababtii Keentay In Qaadka Laga Joojiyo Soomaaliya, Ka Dib Markii Uu Sheegay In Somaliland Ay Aqoonsanayaan Hadii Ay Qaataan Qaadka Ka Soo Go,A Kenya.

Waxaana War-Saxaafadeedkan Lagu Cadeeyay Inaanay Masuuliyinta Iyo Badhasaabada Reer Kenya Aanay Ku Xadgudbin Arrimaha Dalalka Ay Jaarka Iyo Oodwadaagtaba Yihiin Kenya.

Waxaanu U Dhignaa War-Saxaafadeedkaasi Sidan:–

“Peter Muru Waxaa Uu U Socdaalay Soomaaliya Iyo Inuu Qaarka Mida Inuu Maamul Gobolleedyada Soomaaliya La Soo Gaadhay Hishiis , Sida Maamul Goboleedka Somaliland Kaas Oo Ku Aadan Ka Ganacsiga Qaadka, Waxaanu Gudoomiyaha Gobolka Qaadku Ka Baxo Ee Kenya Muru Uu Hishiis Aanay Dawlada Soomaaliya Ogeyn La Soo Galay Maamulka Somaliland Taasina Ay Noqotay In Dawlada Soomaaliya Ay Saarto Dalka Kenya Cunaqabateyn Dhanka Qaadka Ah”

Waxaanu Af-Hayeenku Carabka Ku Adkeeyay In Xukuumada Soomaaliya Ay U Aragtay Socdaalkii Dhawaan Uu Gudoomiyaha Muru Ku Tagay Magaalada Hargeysa Ay Aheyd Mid Lagu Aqoonsanayay Jamhuuriyada Somaliland Hase Ahaate , Aanay Dawlada Kenya Somaliland U Aqoosaneyn Dawlad Madax Banaan Balse Ay U Aqoonsan Tahay Maamul Ka Tirsan Soomaaliya.