Oday 89-jir Faqri ahaa oo si cajiib ah ku helay Lacag aad u fara badan !!

0

Fidenzio Sanchez waa Oday 89-jir Waayeel ah oo Jalaatada ku iibin jiray xaafadaha dadka Faqriga ah dagaan ee magaalada Chicago ee dalka Mareeykanka , Wuxuuna odaygaan si sahlan ku helay lacag aad u fara badan .

Macalin Mareeykan ah oo Odaygaan ka qaaday Sawir naxdin badan isaga oo socon la´hadane jiidaya gaariga uu mudada dheer ku wareejin jiray jalaatada ayaa waxaa Sawiradiisa la soo dhigay bogaga lacagta loogu aruuriyo dadka dhibaateeysan kana furan aaladaha Facebooka iyo Twitter-ka .

Akoontigii lacagta loogu aruurinayay Fidenzio Sanchez ayaa maalmo yar gadahood waxaa ku soo dhacday lacag kor u dhaafeeysa 250.00 oo Dollar kaas oo u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay caawintiisa . Ninkaan oo aad u shaqo jecel waxaa la sheegay in uu mar kaste ku faani jiray inuu quuto dhididkiisa iyo waxa uu soo shaqeeysto kaas oo maalmahaan dambe si weyn u soo jiitay Saxaafada dalka Mareeykanka .