MUSHARAXIINTA U TARTAMEYSA XILDHIBAAN NIMADA GOLAHA WAKIILADA OO GANAFKA KU DHUFTEY GO,AANKII MADAXWEYNE SIILANYO KU KALA QAADEY LABADA DOORASHO + (SAWIRO).

0

Hargeysa (Arabsiyo-News):- Xildhibaanada isku soo sharaxey in ay    tartamaan aqalka golaha wakiilada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay gaashanka u daruureen go,aankii madaxweyne Siilanyo ku kala qaadey labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyada .

1

Musharaxiintan ayaa waxaa ay  sheegeen in go,aankaas  madaxweyne Siilanyo soo saarey ee uu ku kala qaadayo labada doorasho ay tahay mid aanay aqbaleen isla markaana dhaawac u geysan karta sumcadii ay Somaliland ku laheyd Beesha caalamka iyo iyada oo laa talaabsadey go,aankii maxkamada sare soo saartey

15

Dhinca kale waxaa ay musharaxiintani ay baaq u direen gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali waxaana ay  tilmaameen  in go,aankii ay maxkamada sare ka gaadhey arimaha doorahoyinka isla markaana ay  mudeysay wakhtiga la qabaanyo la jabiyey oo ay  xukuumadu ku tumatey iyaga oo ugu baaqey maxkamada sare in ay arintaasi talaabo ka qaado

9

Gabo gabadii musharaxiintan oo ay tiradoodu aad u badneen waxaa ay ku hanjabeen in hadii hadaladooda    iyo baaq yadooda hoos loo eegi waayo ay ku baaqayaan muddo haraadyo salmi ah oo ka dhaca dhamaan gobalada Somaliland
2345678
1011121314