
Xogo Sir ah oo la helay ayaa tibaaxay sababta madaxwaynayasha suudaan iyo jabuuti uga baaqsadeen shir madaxeedkii IGAD Halkan ka akhri sababta….
Ma Dhabbaa In Diyaaraddii Sidday Ismaaciil Cumar Geelle Ka Noqotay Hawada Muqdisho? + Sirdoonka Suudaan Maxay Ku Diideen Imaanshiyaha Cumar Xasan Albashiir Ee Magaalada Muqdisho
Jabuuti (JAARCAD)- Warar sirdoon oo laga helayo waddanka Jabuuti ayaa tibaaxay in sababo dhinaca amniga ah uu dib ugu laabtay dalkiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinimadii Salaasadii qorshuhu ahaa in uu ka soo dego Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho dalka Soomaaliya si uu uga qayb galo kulan ay halkaasi ku lahaayeen Madaxweynayaasha dalalka ky Bahoobay urur-Goboleedka IGAD, iyada oo xogaha qarsoodiga ah ee arrinkaasi la xidhiidhaa xaqiijiyeen in sirdoonka Dalka Jabuuti ka war helay xaalado ammaan oo aan la isku hallayn Karin in ay ka taagnaayeen Garoonka Muqdisho sidaa darteed Madaxweyne Geelle iyo Sirdoonka Jabuuti ugu dambayn go’aan ku gaadheen in aanu waftiga Madaxweynuhu Muqdisho ka tagin iyada oo la xaqiijiyey in diyaaradda sidday Madaxweyne Geelle ay ka laabatay hawada dalkaasi Soomaaliya.
Warar Xog-ogaal ah oo Foore ka helay waddanka Jabuuti waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu amar ku siiyey diyaaraddii sidday in ay dib ugu noqoto dalkeedii kadib markii uu macluumaad tifaftiran ka helay in ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaarka Muqdisho aanu ahayn mid la isku hallayn karo gaar ahaan amniga Madaxweynaha Jabuutina yahay mid aan la saadaalin Karin waxa uu la kulmi doono sidaa darteed uu amar ku siiyey in diyaaraddu itijaahii ay ku socotay wax ka badasho oo ay dib ugu laabato dalkeedii Jabuuti wakhti ay diyaaraddu soo gashay Hawada dalkaasi Soomaaliya.
Dhinaca kale wararka ka imanaya caasimadda waddanka Suudaan ee Khartuum ayaa sheegaya in Xoogagga War-doonka ee dalka Suudaan dhawaan heleen xogo shirqool oo loo maleegayo Madaxweynaha Suudaan si marka uu Muqdisho yimaad gacanta loogu dhigo iyada oo ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM gacan ka gaysanayaan qorshahaasi balse Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Axmed Al Bashiir uu kansalay in uu booqasho ku yimaad oo ka qayb galo shirkii urur Goboleedka IGAD.
Xogaha naga soo gaadhaya waddanka Suudaan waxa ay tibaaxayaan in Ciidamada AMISOM oo aan ka amar qaadan maamulka taagta daran ee Soomaaliya ay qorshaynayeen in ay gacanta ku dhigaan Madaxweyne Al Bashiir una gudbiyaan maxkamadda dhagaraha dagaalka ee Hague oo waaran soo qabasho ahi uga go’an yahay balse ku guul darraysatay wali in ay Madaxweynaha Suudaan soo qabto.
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com
Arabsiyo.Net
SOURCE: FOORE








