Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo saakay ka baxay Degmada Moqokori iyo Al-Shabaab oo …

0

Wararka ka imaanaya Degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay saakay isaga baxeen Degmadaasi oo mudo sanad ka badan gacantooda ku jirtay.

download
Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay Degmadaasi isaga baxeen xalay xili dambe iyo saakay aroortii, waxa ayna Ciidamada u jiheesteen dhinaca Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida aan Wararka ku heleyno Degmada Moqokori waxaa durba gaaray qeybo kamid ahna ku sugan dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo horey ugu sugnaa deegaano ku dhaw dhaw degmadaasi.

Shacabka ku dhaqan Degmada Moqokori ayaa ah kuwa saakay intooda badan aan kasoo bixin guryahooda, waxaana dadku ka cabsi qabaan in ay dhibaato kasoo gaarto isbadalka dhinaca maamulka ah ee ku yimid Degmadaasi.

Wali lama oga sababta ay uga baxeen Degmada Moqokori Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo sanad kahor degmadaasi kala wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan ku aadan oo kasoo baxay saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaa sidan oo kale horey uga baxay deegaano iyo Degmooyin kuyaala gobolada dalka , waxaana goobhaasi ay ka baxeen dib ula wareegay dagaalyahnaada AL-Shabaab oo horey looga saaray.