Muqdisho {Arabsiyo News}–Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa xalay ku hoyday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay uu ka uga qeyb galay shirkii Madaxda IGAD ay Muqdisho ku yeesheen.
Madaxdii kale ee Dowladaha Kenya, iyo Itoobiya ayaa isla shalay galab dib ugu laabtay dalkooda, hasa ahaatee Madxaweynaha Uganda ayaa go’aansaday in uu magaalada Muqdisho uu kusii nagadao kuna hoydo.
Yuweri Musaveni ayaa intii uu Muqdisho joogay la kulmay Madax katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ee kusugan xerada Xalane.
Diyaaradii keentay Madxaweynaha Uganda ayaa xalay ku hoyatay garoonka Aadan Cadde saakay ayaeyna diyaarada ka duushay Garoonka iyadoona dib ugu laabtaya magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynayaasha Uganda ,Kenya iyo Ra’isu Wasaaraha dalka Itoobiya, waxa ayna Madaxdan ka qeyb galeen shir Madaxeeda IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com
Arabsiyo.net








