Dowlada Britain oo lagu amray in lacag Magdhaw ah siiso Muwaadin asalkiisu Soomaali yahay +Sobabta

0

Arabsiyo News—Dowlada Britain ayaa amar lagu siiyay in lacag magdhaw ah siiso Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil C/raxmaan, oo la sheegay in booliiska Britain ay ku xadgudbeen xaquuqdiisa ayna dhibaato u geesteen.

Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku amartay Dowlada Britan in ay bixiso lacag magdhaw ah oo gaareysa 16,000 oo Euro, lacagtan ayaana la siinayaa dhibanahan Soomaaliyeed ay ku xadgudbeen Booliiska Britain.

Xeer Beegtida Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha oo tiradooda gaareysay 17-garsoore ayaa 11-kamid ah waxa ay u codeeyeen in Dowlada Britain lacag magdhaw ah ka bixiso dhibaatada ay u geesteen Muwaadinkan asalkiisu Soomaaliga yahay.

Garsoorayaasha kiiskan u fadhiistay ayaa ka kala socday wadamo kala duwan ay kamid yihiin wadamada Spain ,Briain ,Turkiga ,Yukreyn, Talyaaniga iyo kale oo ka socday Wadamo kale oo katirsan Maxkamada Yurub.

Booliiska Britain ayaa la sheegay in ay ku xadgudbeen xaquuqda uu lahaa Ismaaciil C/raxmaan , intii uu gacanta ugu jiray ayna u geesteen dhibaatooyin, waxaana dhibanahan Soomaaliyeed ay booliiska xireen sandii 2005-tii .

Ismaaciil C/raxmaan ayaa horey usoo dhameestay xabsi 8-sano ahaa oo lagu riday, waxaana lagu eedeeyay in uu qariyay mid kamid ah ragii fuliyay Qaraxyadii 21-dii July ee sannadkii 2005-tii ka dhacay magaalada London.

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com

Arabsiyo.net