Hargaysa {Arabsiyo News}-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo hadalo kooban ka jeediyey munasibad casho sharaf ah oo xukumadu aqalka madaxtooyada ugu samaysay gudida ictiraaf raadinta Somaliland ayaa ku baaqay in la galo dagaal.
Baashe Maxamed Faarax oo hadaladiisa si toos ah ugu waday madaxwayne Siilaanyo waxa uu ugu baaqay xukumada in dagaal toos ah la gasho Dawlada Somaliya oo qaban qaabinaysa dagaal ay ku soo qaado Somaliland waa sida uu hadal u dhigaye.
Gudoomiye Baashe oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ah hadaladiisa.
“Maalin walba way kala kacayaan niman danteena wada maaha waxay doonayaan sidooda in aynu ku noolaano,waxaana madaxwayne soo jeedin lahaa ictiraaf raadinta in la kordhiyo oo la wado in aynu samaysano ciidan adag oo soo celiya adeegii,
oo ardayda dugsiyada kasoo baxaya madaxwayne tababar ciidan aan u samayno u diyaar garowno gacana ugu diyaar garowno dagaal gacana ugu diyaar garowno ictiraaf raadin waa badheedh waana la inoo badheedhsan yahay”
Halkan Ka Daawo Muuqaalka oo dhamays ah








